Liverpool Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Arne Slot Kadib Guuldaradii PSG.

Wararka ayaa sheegaya in Liverpool aysan qorshaynayn inay shaqada ka ceyriso tababare Arne Slot, isla markaana ay rabaan inuu sii hoggaamiyo kooxda bilowga xilli-ciyaareedka soo socda.

Slot ayaa ku hoggaamiyay Liverpool hanashada horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Anfield, kaddib markii uu beddelay Jurgen Klopp sanadkii 2024.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool waxay sameysay difaac liita oo horyaalka ah xilli-ciyaareedkan, waxayna hadda ku jirtaa kaalinta shanaad ee kala sarreynta, iyagoo hal dhibic oo keliya ka sarreeya Chelsea oo ku jirta kaalinta lixaad.

Sidoo kale, Liverpool waxay wajahaysaa caqabad adag si ay u gaarto wareegga afar dhammaadka UEFA Champions League, kaddib markii looga badiyay 2-0 lugtii hore ee wareegga sideed dhammaadka kulan ay marti ugu ahaayeen Paris Saint-Germain habeenkii Arbacada.

Kooxda Slot ayaa xitaa hal kubbad oo bartilmaameed ah ku dhufan weyday, waxayna haysteen kaliya 26% kubad heysasho kulankii ka dhacay Parc des Princes, iyagoo la tacaalaya xawaaraha iyo saxnaanta weerarka PSG.

Liverpool ayaa wajahaysa cadaadis sii kordhaya oo kaga imanaya taageerayaasheeda si ay shaqada uga cayriso Arne Slot, gaar ahaan iyadoo Xabi Alonso hadda la heli karo kaddib markii shaqada laga eryay Real Madrid bishii January.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska The Telegraph ayaa sheegaya in milkiilayaasha Liverpool ee Fenway Sports Group ay aaminsan yihiin in Arne Slot uu “u qalmo” inuu sii ahaado tababaraha kooxda marka uu bilaabmo xilli-ciyaareedka soo socda.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga