Wakhtiga Ay Arsenal Xaqiijin Karto Ku Guulaysiga Premier League Oo La Saadaaliyay, Ma Ahan Wakhti Fog.

Halyeeyga Arsenal ee Paul Merson ayaa sheegay in Arsenal hal gacan ku dhigi doonto horyaalka Premier League marka la ciyaaro kulamada premier League ee todobaadka dambe.

Kooxda Gunners, oo raadinaysa horyaalkeedii ugu horreeyay muddo 22 sano ah, waxay noqon doonaan 12 dhibcood ka horeeya hogaanka horyaalka haddii ay ka badiyaan AFC Bournemouth kulanka ka dhacaya garoonka Emirates Stadium Sabtida.

Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta waxay la kulmeen labo guuldarro oo isku xigta markii ugu horreysay xilli ciyaareedkan kadib fasaxii ciyaaraha caalamiga ah. Waxay marka hore ka lumiyeen Manchester City final-kii Carabao Cup, kadibna waxaa laga reebay FA Cup kooxda heerka Championship-ka ah ee Southampton FC.

Arsenal waxay sidoo kale soo bandhigeen ciyaar aan aad u qancin kulankii Sporting CP ee UEFA Champions League habeenkii Talaadada, balse ugu dambayn waxay heleen guul 1-0 ah kadib gool daqiiqaddii ugu dambeysay ee uu dhaliyay Kai Havertz.

Paul Merson wuxuu aaminsan yahay in kooxdiisii hore ee Arsenal ay dib ugu soo laaban doonto qaab ciyaareedkeedii fiicnaa marka ay ka adkaato AFC Bournemouth usbuucan, wuxuuna sidoo kale rumeysan yahay in tartanka horyaalka Premier League uu markaas “dhammaan doono”, maadaama uu taageerayo in Chelsea FC ay dhib ku keento Manchester City.

Kooxda City ee uu hoggaamiyo Pep Guardiola, oo wali u tartamaysa horyaalka, ayaa si cad uga awood roonaatay Arsenal final-kii Wembley bishii hore, kadibna waxay 4-0 ku garaaceen horyaalka difaacanayay ee Liverpool FC tartanka FA Cup.

Natiijooyinkan ayaa walaac ku abuuray taageerayaasha Arsenal, balse Merson wuxuu filayaa in qaabka xooggan ee Manchester City uu istaagi doono marka ay la ciyaaraan Chelsea FC garoonka Stamford Bridge Axadda.

“Arsenal wax yar ayay hoos u dhac ku jiraan, miyaanay ahayn? Waxaan idiin sheegay usbuucii hore in kulanka FA Cup uu ahaa mid khatar ah (‘banana skin’), ugu dambeyntiina waxaa laga reebay Southampton FC.”ayuu yidhi.

Wuxuu intaas ku daray:“AFC Bournemouth waxay ku jiraan taxane ciyaaro ah oo aan laga badin, laakiin dhibaatadu waa ma awoodaan inay badsadaan guulaha”

“Waxaan dareemayaa in dadka qaar ay aad u buunbuuninayaan sababta oo ah lama garaacin. Haddii aadan badin kulamo kugu filan, aniga fikradeyda wax macno ah ma samaynayso.”

“Aniga shaqsi ahaan waxaan aaminsanahay in tartanka horyaalka Premier League uu dhammaan doono usbuucan. Waxaan taageerayaa Arsenal inay guuleysato, taasoo ka dhigan inay 12 dhibcood ka fogaan doonaan Manchester City. Ma aaminsani in City ay ka badin doonto Chelsea FC kulanka ka dhacaya Stamford Bridge Axadda.”

Wuxuu sii raaciyay:“Waxaan saadaalinayaa guul fudud oo ay gaarto kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta. Arsenal waxay dareemi doonaan nafis maadaama ugu yaraan ay heli doonaan hal koob oo gacanta ku jira kadib usbuucan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga