Arsenal Oo Guul Dahabi Ah Ka Gabdhay Sporting Lisbon

Kooxda Arsenal ayaa gaartay guul muhiim ah oo 1-0 ah kadib markii ay ka adkaatay martigeliyahooda Sporting Lisbon kulan ka dhacay garoonka José Alvalade Stadium, kaas oo ka tirsanaa lugta hore ee wareegga sideed dhammaadka tartanka UEFA Champions League.

Ciyaarta ayaa ahayd mid ay Arsenal si weyn u maamuleysay, iyagoo isku dayay inay ku ciyaaraan qaab weerar ah oo cadaadis saaraya difaaca Sporting, ugu dambeyntiina waxay ku guuleysteen inay dhaliyaan goolka kaliya ee ciyaarta daqiiqaddii 90+1, waxaana dhaliyay Kai Havertz.

Dhanka kale, Sporting Lisbon waxay ku tiirsaneyd weerarro rogaal celis ah, waxayna dhowr jeer halis geliyeen goolka Arsenal, balse ma jirin wax fursado ah oo ay gool uga dhaliyeen.

Lugta labaad ee kulankan ayaa la ciyaari doonaa Arbacada, 15-ka April, saacadda 10:00 fiidnimo waqtiga somalia, waxaana lagu qaban doonaa garoonka Emirates Stadium, halkaas oo labada kooxood ay u dagaallami doonaan inay u gudbaan wareegga afar dhammaadka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga