Chelsea Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Suuqa Xagaaga

Kooxda Chelsea ayaa heshiis la gaartay si ay u soo saxiixato daafaca Valentin Barco.

Barco ayaa ogolaaday inuu ku biiro Chelsea, waxaana sidoo kale la isku afgartay heshiiska shaqsiga ah ee labada dhinac, sida uu sheegay weriyaha caanka ah Fabrizio Romano, iyadoo la filayo in wareejintaasi dhacdo xagaaga.

Laacibkan 21-jirka ah ayaa xagaagii hore si rasmi ah ugu biiray kooxda Strasbourg, oo ay leedahay shirkadda BlueCo, kadib markii uu markii hore amaah kaga yimid Brighton & Hove Albion, iyadoo lagu iibsaday lacag dhan £8.7 milyan.

Barco waxaa loo arkaa mid ka mid ah da’yarta ugu hibada badan ee Argentina waqtigan.

Wuxuu si degdeg ah ula qabsaday nolosha Faransiiska, isagoo u saftay Strasbourg 37 kulan isla markaana dhaliyay laba gool.

Si kastaba ha ahaatee, Barco ma uusan sameyn saameyn weyn intii uu joogay Brighton kadib markii uu yimid garoonka Amex Stadium sanadkii 2024.

Wuxuu kaliya u saftay Brighton toddobo kulan oo Premier League ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga