Halyeeyga Alan Shearer ee kooxda Newcastle United ayaa sheegay in ay “aad u adkaan doonto” in Arsenal ay ku guuleysato Premier League, kadib markii ay Southampton guul 2/1 ah wareegga siddeedda ee FA Cup.
Kooxda Saints ayaa hoggaanka la wareegtay markii uu gool dhaliyay Ross Stewart, ka hor inta uusan beddelka Viktor Gyökeres barbareyn u sameynin garoonka St Mary’s.
Si kastaba, Shea Charles ayaa kursiga keydka kasoo kacay si uu u dhaliyo goolka guusha daqiiqaddii 85-aad.
Arsenal weli waxay u tartamaysaa laba koob – Premier League iyo UEFA Champions League.
Horyaalka, waxay hadda sagaal dhibcood ka sareeyaan Manchester City iyadoo ay harsan yihiin toddobo kulan.
Shearer ayaa hadda su’aal geliyay saameynta “maskaxeed” ee ka dhalan karta guuldarrada ka soo gaartay Southampton, iyo sida ay u saameyn karto hamigooda hanashada horyaalka.
Wuxuu u sheegay Betfair:“Kadib markii Arsenal laga reebay FA Cup-ka, aad bay ugu adkaan doontaa dhanka maskaxda inay sii wadaan oo gaaraan waxa ay rabaan inay gaaraan.”
Be the first to comment