Real Madrid Oo Guuldaro Lama Filaan Ah Kala Kulantay Mallorca

Real Mallorca ayaa gaartay guul ay mudanayd kadib markii ay 2-1 kaga adkaatay Real Madrid wareegga 30-aad ee horyaalka Spain, kulan ka dhacay garoonka Son Moix Stadium.

Real Madrid ayaa lumisay fursado badan oo cad qeybtii hore ee ciyaarta, iyadoo goolhayaha Mallorca uu sameeyay badbaadinooyin cajiib ah, gaar ahaan kubbado ay soo tuureen Kylian Mbappe.

Daqiiqaddii 42-aad, Mallorca ayaa hoggaanka qabatay kadib markii Manuel Morlanes uu gool dhaliyay, kaddib kubbad uu soo karoosay Pablo Maffeo, taas oo Morlanes uu si fiican u xakameeyay gudaha diilinta ganaaxa kadibna shabaqa ku hubsaday.

Real Madrid ayaa barbaro keentay daqiiqaddii 88-aad markii karoos uu keenay Trent Alexander-Arnold uu madax ku dhaliyay Eder Militao.

Si kastaba ha ahaatee, Mallorca ayaa markale hoggaanka la wareegtay daqiiqaddii 90+1, kadib kubbad uu keenay Joseph oo gaartay Vedat Muriqi, kaas oo gudaha diilinta ganaaxa si xirfad leh ugu dhaliyay shabaqa sare.

Natiijadan ayaa ka dhigtay in dhibcaha Real Madrid ay ku ekaadaan 69 iyagoo ku jira kaalinta labaad, 4 dhibcoodna ka dambeeya Barcelona si ku meel gaar ah, halka Mallorca ay gaartay 31 dhibcood oo ay ku jirto kaalinta 17-aad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga