Liverpool ayaa loo sheegay in aan la ceyrin tababare Arne Slot inkastoo guuldarro ceeb ah oo 4-0 ah ay kala kulmeen Manchester City tartanka FA Cup.
Erling Haaland ayaa dhaliyay saddexley taasoo keentay in Liverpool laga saaro tartanka, waxaana hadda u haray kaliya Champions League si ay u badbaadiyaan xilli ciyaareedkooda.
Cadaadis ayaa sii kordhaya Slot, iyadoo baaqyo xooggan oo lagu dalbanayo in shaqada laga eryo ay isa soo tarayaan, inkastoo uu weli sanad ka yar joogo tan iyo markii uu ku guuleystay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay.
Paris Saint-Germain, oo ah kooxda difaacaneysa Champions League, ayaa sugaysa Liverpool kulan ka dhacaya Paris maalinta Arbacada, iyadoo Liverpool ay isku dayeyso inay kasoo kabato guuldarradan oo warbaahinta Liverpool Echo ku tilmaantay “guuldarradii ugu xumeyd ee Slot soo marto.”
Slot ayaa kulankaas ku tilmaamay mid “aad u weyn, aadna muhiim u ah,” balse wuxuu ku adkeystay inuusan qeexeyn xilli ciyaareedkooda.
Wuxuu yiri: “Runtii waan sugaynaa kulankan, laakiin ma aha ujeedadayada kaliya ee xilli ciyaareedkan. Waxaan sidoo kale rabnaa inaan u soo baxno Champions League xilli ciyaareedka dambe.”
Liverpool ayaa wajahaya loollan adag oo ay ugu jiraan inay ku dhammeystaan shanta sare, iyadoo mid ka mid ah kooxaha Liverpool, Chelsea, Aston Villa iyo Manchester United uu seegi doono booskaas marka xilli ciyaareedku dhammaado.
Halyeyga Liverpool, John Barnes, ayaa ku adkeeyay in kooxda ay sii aaminaan tababare Arne Slot inta ka harsan xilli ciyaareedka.
Wuxuu u sheegay Liverpool Echo: “Waxaan ku guuleysanay horyaalka iyadoo uu hoggaaminayo Arne Slot, markaas si lama filaan ah ma rabnaa inaan ceyrino?”
Wuxuu sii raaciyay: “Haddii uu baxo oo uu yimaado Xabi Alonso, bal ka waran haddii Alonso uu ku guuldareysto lixdiisa bilood ee ugu horreeya ama sanadkiisa koowaad? Ma oraneynaa markaas ha la ceyriyo oo qof kale la keeno?”
Wuxuu ku daray: “Mar walba waan taageeraa tababarayaasha, cid kasta oo ay yihiin, sababtoo ah waxay u yimaadaan kooxda guulahooda iyo tayadooda awgeed. Waa in la siiyaa waqti ay ku shaqeeyaan.”
Be the first to comment