Muxuu Slot Ka Yidhi Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Man City

Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa ka hadlay shir jaraa’id kadib guuldarradii 4-0 ahayd ee ay kala kulmeen Manchester City wareegga siddeed dhammaadka FA Cup ee ka dhacay garoonka Etihad Stadium.

Tababaraha ayaa yiri: “Waa arrin aad u niyad-jab leh in laga haro FA Cup, ma aha oo kaliya qaabka aan u luminay, balse sidoo kale natiijada lafteeda darteed. Tani waa niyad-jab kale oo weyn oo nagu soo kordhay.”

Wuxuu ka hadlay waxa ay kooxdiisu ka maqnaayeen isagoo yiri: “Waxa naga maqnaa inta badan xilli ciyaareedkan waa inaan fursadaha u beddelno goolal. Waxaan u maleynayaa ciyaartu inay isku dheelitirnayd ilaa ay rigooraha dhaliyeen, kulankeenii ugu dambeeyay ee halkan ka dhacayna waxaan gool laga dhaliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qeybta hore, isla arrintaasna maanta ayaa dhacday.”

Wuxuu adkeeyay: “Waxaan helnay rigoore iyo fursad, balse taas wax badan ima tusayso. Qaab ciyaareedka kooxda 35-kii daqiiqo ee hore wuxuu ahaa mid aan rajeynayay, balse 20-kii daqiiqo ee xigay waxaan u baahnayn difaac aad uga wanaagsan kii aan maanta sameynay.”

Wuxuu yiri: “Ma fiicna inaad qeybta labaad gasho adigoo labo gool lagaa hormaray daqiiqado yar ka hor dhammaadka qeybta hore, taasina ma kordhiso niyadda kooxda, gaar ahaan xilli ciyaareedkan adag. Aad bay u adkayd in la aqbalo natiijadan. Waxa kaliya ee wanaagsan waa inaanan goolal badan laga dhalin.”

Markii laga hadlay Mohamed Salah oo rigoore qasaariyay, wuxuu yiri: “Diiradda saari maayo hal ciyaaryahan, balse kooxda oo dhan. Tani waxay soo koobeysaa qaab ciyaareedkeenna maanta, iyo guud ahaan xilli ciyaareedka. Ma aha oo kaliya inaan luminay fursado waaweyn, balse xilli ciyaareedkan waxaan luminay rigooro dhowr ah. Qeybta hore, Salah wuxuu helay fursad weerar degdeg ah, nasiib darro rigoorihii lama dhalin, waana inaad goolal dhalisaa haddii aad rabto inaad guuleysato.”

Markii laga hadlay kulanka Paris Saint-Germain ee Champions League, wuxuu yiri: “Haddii aan rabno inaan si wanaagsan u ciyaarno Arbacada, guuldarro 4-0 ah noo fiicnaan mayso, balse haddii ay ka sii weynaan lahayd waxay noo noqon lahayd dhibaato ka sii weyn marka aan halkaas tagno.”

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan isku dayay inaan kooxda dib ugu soo celiyo ciyaarta oo aan yareeyo farqiga ilaa 4-1 ama 4-2, balse waxa iigu muhiimsanaa waxay ahayd inaan score-ku ku ekaado afar gool, taas ayaana ahayd mudnaantayda koowaad.”

Wuxuu sidoo kale yiri: “Waxaan garoonka ka saaray Joe Gomez sababtoo ah tan iyo markii aan kooxda ku biiray, way cadahay inaanay sahlaneyn inuu ciyaaro 90 daqiiqo laba jeer. Haddii aan rabno inaan ku tiirsanaano Arbacada, waxay fiicneyd in maanta la nasiyo.”

Markii laga hadlay muhiimada Champions League xilli ciyaareedkan, wuxuu yiri: “Aad bay muhiim u tahay, sababtoo ah gaarista siddeed dhammaadka Champions League ma aha wax fudud sanad kasta. Waxaan si weyn u rajeyneynaa tartankan iyo inaan la kulanno koox kale oo xooggan. Waxaan rabnaa inaan u soo baxno Champions League xilli ciyaareedka dambe sababtoo ah wax badan ayaan u tartameynaa.”

Ugu dambeyn, wuxuu yiri: “Waxaan wajahnay caqabado iyo niyad-jabyo badan, balse tani waa qayb ka mid ah nolosha ciyaaryahan iyo bini’aadam ahaanba. Waa inaad dulqaadataa xilliyada adag. Tani waa waxa aan hadda ku dadaaleyno; ciyaartoydii hore u muujisay tayo sare hadda waxay haystaan fursad weyn oo ay markale ku muujiyaan taas kulanka Paris Saint-Germain.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga