Manchester City ayaa u soo gudbay wareegga semi-finalka ee tartanka FA Cup kadib markii ay 4-0 kaga adkaadeen Liverpool kulan ka dhacay garoonka Etihad Stadium.
Erling Haaland ayaa Manchester City hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 39-aad kadib rigoore uu dhaliyay, waxaana uu markale gool labaad u dhaliyay kooxda daqiiqaddii 45+2, iyadoo uu caawin ka helay Semenyo.
Daqiiqaddii 50-aad, Antoine Semenyo ayaa dhaliyay goolka saddexaad ee Manchester City, waxaana caawiyay Rayan Cherki, halka Erling Haaland uu dhaliyay goolkiisii saddexaad daqiiqaddii 57-aad, isaga oo caawin ka helay O’Reilly.
Dhanka Liverpool, Mohamed Salah ayaa khasaariyay rigoore daqiiqaddii 64-aad kadib markii goolhayaha si cajiib ah u badbaadiyay.
Waxa sidaaa ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City u Gudubtay Wareega semi-final Tartanka FA Cup-ka.
Be the first to comment