Enzo Fernández ayaa laga saaray labada kulan ee Soo socda ee Chelsea kadib hadallo uu si isdaba joog ah u jeediyay oo shaki geliyay mustaqbalkiisa kooxda.
Fernandez wuxuu seegi doonaa kulanka wareegga sideed dhammaadka ee FA Cup ee maanta ay la ciyaarayaan Port Vale, iyo sidoo kale kulanka Premier League ee usbuuca dambe ay la ciyaarayaan Manchester City.
“Saacad ka hor ayaan la hadlay Enzo. Go’aan ayaan gaarnay – ma ciyaari doono kulanka berri, sidoo kalena ma ciyaari doono kulanka Manchester City,” ayuu xaqiijiyay Liam Rosenior shir jaraa’id oo uu qabtay Jimcihii.
“Waa niyad-jab in Enzo uu sidan u hadlo. Wax hadal xun kama qabo isaga, laakiin xad ayaa la dhaafay marka la eego dhaqanka kooxda iyo waxa aan rabno inaan dhisno.”
“Ma aha xaalad wanaagsan. Inta badan arrintan waxay ka dhalatay 10 maalmood oo aad u adag, laga yaabee inay yihiin kuwii ugu adkaa xirfaddeyda,” ayuu yiri.
Enzo Fernández ayaa dad badan ka yaabiyay kadib guuldarradii niyad-jabka lahayd ee Chelsea ka soo gaartay Paris Saint-Germain, markii uu wareysi uu siiyay ESPN Argentina ku sheegay inuusan meesha ka saari karin suurtagalnimada inuu ka tago Stamford Bridge xagaaga.
Wareysi kale oo uu isla fiidkaas bixiyay, Fernandez wuxuu sidoo kale su’aal geliyay go’aanka kooxda ay Shaqada Kaga caydhiyeen Enzo Maresca.
Enzo Fernández ayaa markii dambe xaqiijiyay in aysan jirin “wax wada-hadal ah” oo uu la yeeshay Real Madrid inkastoo lala xiriirinayay kooxda Spain.
Si kastaba, khadka dhexe ayaa mar kale sii kiciyay hadalladaas intii lagu jiray nasashada caalamiga ah, markii uu sheegay in Madrid ay tahay meesha uu ugu jeclaan lahaa inuu ku noolaado haddii uu ka tago London.
Liam Rosenior ayaa intaas ku daray:“Enzo marka hore, dhinac ahaan dabeecad, qofnimo iyo ciyaaryahan ahaan, waxaan u hayaa ixtiraam weyn wixii uu gaaray iyo sida uu ciyaaryahan u yahay. Wuu niyad-jabsan yahay sababtoo ah wuxuu rabaa inaan guuleysanno”
“Marka laga hadlayo go’aanka, ma aha aniga kaliya, ama agaasimayaasha ciyaaraha, maamulka, ama ciyaartoyda – dhammaanteen waan isku aragti nahay go’aannada aan qaadanno. Waxay ahayd go’aan wadajir ah.”
Be the first to comment