Kooxda Man City ayaa aad ugu dhow inay u magacowdo Enzo Maresca inuu noqdo beddelka Pep Guardiola.
Mustaqbalka Guardiola ee garoonka Etihad ayaa ah mid si weyn looga hadal hayo.
Waxaa jira warar sheegaya in macallinkii hore ee Barcelona iyo Bayern Munich uu ka tagi karo shaqadiisa xagaagan.
Manchester City wali kama aysan helin jawaab cad Guardiola oo ku saabsan qorshihiisa mustaqbalka, balse waxay durba bartilmaameedsadeen Maresca inuu noqdo qofka badali kara.
Arrintan waxaa shaaciyay khabiirka suuqa kala iibsiga, Fabrizio Romano, isaga oo ku qoray bartiisa X (Twitter) Khamiistii.
Romano ayaa yiri:“Manchester City waxay u ogolaan doontaa Pep Guardiola inuu go’aansado waxa uu doonayo inuu sameeyo mustaqbalkiisa.”
“Sida aan soo sheegnay tan iyo Janaayo, Enzo Maresca waa musharraxa koowaad haddii/marka Pep uu go’aansado inuu tago.”
“Inkastoo ay jiraan warar ku saabsan Vincent Kompany, haddana #MCFC si weyn ayay u qiimeeyaan Maresca.”
Be the first to comment