12 Xiddig Oo Arsenal Ka Maqnaan Kara Kulanka Southampton.

Kooxda Arsenal ayaa wajahaysa Southampton kulanka Quarter Final-ka ee FA Cup toddobaadkan, iyadoo laga yaabo inay ka maqnaadaan ilaa 12 ciyaaryahan.

Kulankan oo ka dhici doona garoonka St Mary’s ayaa imanaya laba toddobaad kadib markii Arsenal ay ku guuldarreysatay final-kii EFL Cup oo ay ka qaaday Manchester City.

Arsenal waxay gaartay Quarter Final-ka markii ugu horreysay tan iyo guushoodii koobka xilli ciyaareedkii 2019–20. Waxa xiiso leh in kooxda London ay mar kasta koobka qaadday afartii jeer ee ugu dambeysay ee ay gaarto Semi Final-ka.

Si kastaba ha ahaatee, ka hor kulankan, 10 ciyaaryahan oo Arsenal ah ayaa ka baxay waajibaadka xulalka bishii March, kuwaas oo ay ka mid yihiin Martin Zubimendi, Piero Hincapie, Declan Rice, Bukayo Saka, Leandro Trossard, William Saliba, Gabriel Magalhaes iyo Jurrien Timber.

8-da ciyaaryahan ayaa la sheegay in uu ilaaliyay tababaraha Mikel Arteta, si looga hortago dhaawacyo dheeraad ah intii lagu jiray fasaxa caalamiga ah, maadaama xulalkoodu horey ugu soo baxeen Koobka Adduunka.

Dhanka kale, Eberechi Eze (calf/shin/heel), Noni Madueke (jilib), Martin Odegaard (jilib) iyo Mikel Merino (cag) ayaa iyaguna dhaawac qaba, taasoo ka dhigaysa inay seegaan kulanka Southampton.

Taasi waxay ka dhigeysaa ilaa 12 ciyaaryahan oo Arsenal ah inay maqnaan karaan kulankan toddobaadkan, iyadoo ugu yaraan 4 ciyaaryahan ay hubaal tahay inay ka maqnaan doonaan, maadaama Arteta uu sameynayo isbedel (rotation) kooxda.

Markii ugu dambeysay ee Arsenal difaacdo FA Cup-keeda, waxay ku hartay St Mary’s iyadoo aan taageerayaal joogin xilli ciyaareedkii 2020–21 (wareegga saddexaad), waxayna hadda doonayaan inay ka aar gutaan oo ay mar kale koobka u dagaallamaan xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga