Kabtankii hore ee Nigeria, John Obi Mikel, ayaa sheegay in Chelsea ay lumin karto ilaa afar ciyaaryahan oo muhiim ah xagaagan.
Isagoo ka hadlayay podcast-kiisa, Mikel Obi ayaa sheegay in ciyaartoyda sida Enzo Fernandez, Cole Palmer, Marc Cucurella iyo Moises Caicedo ay heli karaan dalabyo ka imanaya kooxo kale.
Wuxuu su’aal geliyay nidaamka ay Chelsea hadda ku shaqeyso suuqa kala iibsiga iyo haddii ay taasi ka caawin doonto inay ku guuleystaan koobab.
“Waqtigan xaadirka ah, waxaan haynaa ciyaartoy sida Cole Palmer, Enzo Fernandez, Marc Cucurella, Moises Caicedo… marka ay bilaabaan inay helaan wicitaanno ka imanaya kooxo sida Real Madrid,” ayuu yiri Mikel Obi.
“Florentino Perez (madaxweynaha Real Madrid) waa khabiir ku xeel dheer soo jiidashada ciyaartoyda kooxaha kale.”
Wuxuu sii raaciyay:“Taasi waa sababta aan su’aal uga keeno nidaamka ay hadda ku shaqeyso (Chelsea), waana sababta aan u leeyahay: maxay tahay ujeeddadu? Ujeeddada kooxda waa inay noqotaa guul, ku guuleysiga koobab.”
Be the first to comment