Slot Oo Ka Fal Celiyay Ka Tagista Mohamed Salah Ee Liverpool.

Tababaraha Arne Slot ee Liverpool FC ayaa amaanay Mohamed Salah, kaas oo la filayo inuu ka tago kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Boqorka Masar ayaa heshiis la gaaray kooxda ku guuleysatay Premier League si uu uga tago si xor ah (free transfer) marka uu xilli ciyaareedkan dhammaado, taas oo calaamad u ah dhammaadka xilli taariikhi ah.

Salah waxa uu Liverpool kaga yimid AS Roma 23-kii Juun 2017 qiimo dhan £34 milyan, wuxuuna ka tagayaa isagoo halyeey ka noqday kooxda, kadib 310 kulan oo uu u saftay, isagoo dhaliyay 189 gool isla markaana bixiyay 92 caawin (assists).

Horaantii xilli ciyaareedkan, garabka weerarka ayaa khilaaf la galay Slot, isagoo sheegay in lagu “tuuray hoosta baska” (under the bus) tababaraha Dutch-ka ah. Hase yeeshee, Slot ayaa hadda ka hadlay arrintaas isagoo u rajeeyay Salah nasiib wacan marxaladda ugu dambeysa ee xilli ciyaareedka.

“Waxaan rajeynayaa inuu sii kordhiyo dhaxalkiisa toddobaadyada iyo bilaha soo socda, maadaama aan wali u ciyaareyno wax gaar ah. Wuxuu had iyo jeer ka tagi doonaa kooxda isagoo halyeey ah, sababtoo ah sida kooxda u ciyaartay sanadihii la soo dhaafay waxaa qayb weyn ka qaatay waxa uu sameeyay.

“Goolal ayuu dhaliyay, caawinaadna wuu bixiyay. Sida aan hore u sheegay, anigoo taageere ah ayaan daawan jiray isaga iyo weerarkii uu la sameeyay Sadio Mane iyo Roberto Firmino… wali dadku way ka hadlaan, waana sax.

“Markii aan bilaabay inaan la shaqeeyo, ma garanayo haddii ay ahayd xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa dhinaca tirooyinka, laakiin waxay ahayd mid cajiib ah sababtoo ah wuxuu lahaa goolasha ugu badan iyo caawinta ugu badan. Taasi si fudud uma dhacdo, xitaa Premier League.

“Wuxuu si dhab ah uga tagayaa kooxda isagoo halyeey ah.”

Salah, oo ah gooldhaliyaha saddexaad ee ugu sarreeya taariikhda Liverpool (255 gool), ayaa ciyaari doona 7-da kulan ee ugu dambeysa ee Premier League xilli ciyaareedkan, ka hor inta uusan macsalaameyn Anfield maalinta ugu dambeysa ee xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga