Madaxweynaha FIFA Oo Go’aan Ka Gaadhay Ka Qayb Galka Iran Ee Koobka adduunka.

Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa xaqiijiyay in xulka Iran ay ka qeyb geli doonto Koobka Adduunka 2026.

Infantino ayaa sidoo kale cadeeyay in Iran ay ciyaari doonto kulamadeeda guruubyada gudaha Mareykanka sida jadwalku yahay, inkastoo ay jiraan colaadaha Bariga Dhexe.

Isagoo ka hadlayay nasashada dhexda ee ciyaar saaxiibtinimo oo dhexmartay Iran iyo Costa Rica oo ka dhacday Turkiga, ayuu yiri:

“Iran way ka qeyb geli doontaa Koobka Adduunka”

“Taasi waa sababta aan halkan u joogno. Aad ayaan ugu faraxsanahay, sababtoo ah waa xul aad u xoog badan.”

Wuxuu intaas ku daray:”Waxaan arkay xulka, waxaan la hadlay ciyaartoyda iyo tababaraha, wax walbana waa hagaagsan yihiin.”

Infantino wuxuu si cad u sheegay in:“Kulamada Iran waxaa lagu ciyaari doonaa meelaha loogu talagalay sida ku cad isku aadka”

Koobka Adduunka 2026, oo ay si wadajir ah u martigelinayaan United States, Mexico iyo Canada, ayaa bilaaban doona 11-ka June

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga