Tababaraha Spain, Luis de la Fuente, ayaa magacaabay ciyaaryahanka Rodri ee Manchester City iyo Martin Zubimendi ee Arsenal inay yihiin labada khadka dhexe ee difaaca (defensive midfielders) ugu fiican adduunka.
Kahor ciyaarta saaxiibtinimo ee Spain ay la ciyaarayso Serbia Jimcaha, De la Fuente ayaa amaanay labada ciyaaryahan, isagoo sheegay in Rodri yahay kan ugu fiican adduunka, halka Zubimendi uu yahay kan labaad ee ugu fiican booskaas.
“Kadib dhammaan caqabadihii Rodri soo maray, hadda wuxuu ku soo laabtay heer aad u sarreeya,” ayuu De la Fuente u sheegay TVE.
“Horay ayaan u sheegay inuu yahay kan ugu fiican adduunka, laakiin sidoo kale waa inaan ognahay inaan nasiib badan nahay”
“Booskaas, lambarka 6-aad, waxaan haynaa labada ciyaaryahan ee ugu fiican adduunka: Rodri iyo Martín Zubimendi.”
Be the first to comment