Kabtankii hore ee Manchester United, Gary Neville, ayaa aaminsan in guushii 2-0 ee Manchester City ka gaartay Arsenal final-ka EFL Cup Final ay dharbaaxo weyn ku tahay rajada Arsenal ee hanashada horyaalka Premier League.
Nico O’Reilly ayaa dhaliyay labo gool oo madax ah qeybtii labaad si uu u xaqiijiyo koobkii ugu horreeyay ee City xilli ciyaareedkan.
Guushan ayaa soo afjartay rajadii Arsenal ee ku guuleysiga afar koob, inkastoo ay weli yihiin kuwa ugu cadcad hanashada Premier League.
Kooxda Mikel Arteta ayaa hadda sagaal dhibcood ka horreysa City jadwalka horyaalka, inkastoo ay ciyaareen kulan ka badan.
Neville oo la hadlayay Sky Sports ayaa yiri:“Saameynta ay tani yeelan karto… Manchester City waxay u baahnaayeen wax kor u qaada niyaddooda, waana heleen hadda.
“Arsenal waa inay dib isu abaabulaan, laakiin Pep Guardiola aad buu ugu faani doonaa kooxdiisa sababtoo ah way muujiyeen awooddooda. Arsenal waqti ayay haystaan si ay u soo kabtaan, laakiin Mikel hadda shaqo adag ayaa hortaalla.”
Be the first to comment