Real Madrid Iyo Man City Oo Taariikh Samayn Doona Marka Ay Ku Kulmaan Champions League.

Kooxaha Real Madrid iyo Manchester City ayaa mar kale ku kulmaya wareegga 16-ka ee Champions League, kulan taariikhi ah oo jabin doona rikoor cusub.

Real Madrid vs Manchester City F.C.

  • Kooxda uu hoggaamiyo Pep Guardiola ayaa si toos ah ugu gudubtay wareegga 16-ka kadib markii ay ku dhammeysatay top-8 League Phase-ka.

  • Real Madrid ayaa soo martay wareegga play-off-ka, halkaas oo ay 3-1 guud ahaan kaga adkaatay SL Benfica.

Jadwalka Labada Lugood

  • Lugta 1aad: 11 March– Santiago Bernabéu (Madrid)

    • Lugta 2aad: 18 March– Etihad Stadium (Manchester)


Rikoor Taariikhi Ah

Kulankan wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee taariikhda Champions League ah oo laba koox ay ku kulmaan wareegyada bug-baxa shan xilli ciyaareed oo xiriir ah.

  • 15 kulan ayay guud ahaan ku kulmeen Champions League.

  • Labada kooxba waxay guuleysteen 5 kulan.

  • 5 kulan ayaa barbaro ku dhammaaday.

  • Real Madrid: 25 gool

  • Man City: 26 gool

Waxay noqdeen xafiiltan Yurub oo dhab ah 5tii sano ee la soo dhaafay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga