Lewandowski Oo Ka Mid Noqday 15-ka Gooldhaliye Ee Ugu Sareeya Barcelona.

Xiddiga reer Poland Robert Lewandowski, weeraryahanka kooxda Barcelona, ayaa ku guuleystay inuu galo liiska 15-ka gool-dhaliye ee ugu sarreeya taariikhda kooxda kadib markii uu dhaliyay gool kulankii ay Barcelona la ciyaartay Mallorca ee horyaalka La Liga.

Goolkaas kadib, Lewandowski wuxuu gaaray 114 gool oo uu u dhaliyay Barcelona, taasoo ka dhigtay inuu la mid noqdo rikoorka ciyaaryahanka taariikhiga ah Stanislao Basora ee kala sarreyntan.

Lewandowski wuxuu ku biiray Barcelona xagaagii 2022, tan iyo markaasna wuxuu muujiyay joogteyn iyo waxqabad sare oo dhanka goolasha ah, isagoo ka dhaliyay dhammaan tartamada rasmiga ah ee uu ka ciyaaray kooxda.

Goolkiisii ugu horreeyay ee Barcelona wuxuu dhaliyay 21-kii August 2022, kulankii ay la ciyaareen Real Sociedad ee garoonka Anoeta, taasoo ahayd ciyaartiisii labaad oo keliya ee uu u safto kooxda.

Horumarkiisa kala sarreyntan awgeed, Lewandowski wuxuu ka sare maray magacyo waaweyn oo taariikhda Barcelona ka tirsan sida Neymar Jr. iyo Luis Enrique, isagoo noqday mid ka mid ah weeraryahannada ugu wax-ku-oolsan taariikhda casriga ah ee kooxda.

Iyadoo ay weli harsan yihiin kulamo dhowr ah xilli ciyaareedkan, Lewandowski wuxuu haystaa fursad uu ku sii hormaro liiska gool-dhaliyeyaasha, isla markaana uu uga sii dhowaado hoggaanka guud ee liiska gool-dhaliyeyaasha taariikhiga ah ee Barcelona.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga