Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay in ilaa lix kooxood oo Premier League ah ay xilli ciyaareedkan ku loollamayaan ku guuleysiga Premier League, Champions League iyo koobab kale.
Suuqa kala iibsiga Janaayo oo xirmay habeenkii Isniinta, City waxay la saxiixdeen Antoine Semenyo iyo Marc Guehi, taasoo ka dhigtay inay in ka badan £450 milyan ku bixiyeen 12-kii bilood ee la soo dhaafay.
Laakiin Guardiola, oo Salaasada la hadlayay warbaahinta, ayaa ku dooday in lix kooxood ay ka sarreeyaan City marka la eego kharashka saafiga ah (net spend) shantii sano ee la soo dhaafay.
“Wax yar ayaan murugaysanahay oo xanaaqsanahay sababtoo ah kharashka saafiga ah ee shantii sano ee u dambeysay waxaan kaga jirnaa kaalinta toddobaad ee Premier League, aniguna waxaan rabaa inaan noqdo kan koowaad,” ayuu yiri.
“Horay waan u guuleysanay sababtoo ah wax badan ayaan qarash gareynay, laakiin hadda lix kooxood ayaa u qalma inay ku guuleystaan Premier League, Champions League iyo FA Cup, sababtoo ah shantii sano ee la soo dhaafay iyaga ayaa ka badan qarash gareeyay.
“Tani waa xaqiiqo, ma aha aragti.”
Be the first to comment