William Saliba iyo Jurrien Timber ayaa laga saaray kulanka ugu dambeeya ee Arsenal ee Champions League ay Arbacada la ciyaari doonaan Kairat.
Labada difaacba kama soo qaybgelin tababarkii Talaadada, waxaana Mikel Arteta xaqiijiyay inaysan ciyaari doonin sababo la xiriira “dhaawacyo yaryar.
Si kastaba ha ahaatee, Arsenal waxay rajeynayaan in labada ciyaaryahanba ay taam u noqon doonaan kulanka ay Sabtida kula ciyaarayaan Leeds garoonka Elland Road.
Kulanka Kairat wax saamayn ah kuma laha Arsenal, maadaama ay badiyeen dhammaan toddobadii kulan ee ay Champions League ka ciyaareen xilli-ciyaareedkan, isla markaana ay horey u xaqiijiyeen inay ku dhammaanayaan labada boos ee ugu sarreeya marxaladda horyaalka.
Saliba iyo Timber labaduba waxay dhameysteen 90-kii daqiiqo ee buuxa ee guuldarradii 3-2 ee Axaddii ka soo gaartay Manchester United.
Be the first to comment