Jamie Carragher Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League.

Halyeyga Liverpool, Jamie Carragher, ayaa sheegay in Arsenal aysan ku jirin weeraryahan heer “xiddig weyn (superstar)” ah.

Carragher, oo ka hadlayay barnaamijka Monday Night Football, ayaa yareeyay walaaca laga qabo maskaxda (mental strength) ee Gunners-ka.

Wuxuu falanqeynayay guuldarradii 3-2 ee ay Arsenal Axaddii kala kulantay Manchester United, kulankaas oo ay hogaaminayeen ciyaartoyda Mikel Arteta.

Carragher wuxuu yiri:
“Uma maleynayo in Arsenal ay ka liidato dhinaca adkeysiga maskaxda — waxay ka liidataa tayada weerarka. Ma leeyihiin xiddig weerar oo dhab ah? Dareenkan ayaan muddo sanado ah ka qabay Arsenal, waana sababta aan u aaminsanahay inay u sii wadi waayeen ku guuleysiga Premier League”

“Ka fikir wixii Mo Salah u sameeyay Liverpool xilli-ciyaareedkii hore, wixii Erling Haaland sameeyay ama Kevin De Bruyne uu ka sameeyay Manchester City. Arsenal ma laha noocaas ciyaaryahan”

“Runtii ma aaminsani in Arsenal ay si weyn uga soo roonaatay labadii sano ee la soo dhaafay; dhab ahaantii waxaan u maleynayaa in Manchester City iyo Liverpool ay hoos u dhaceen”

“Weli waxaan qabaa in Arsenal ay ku guuleysan doonto horyaalka isla markaana ay yihiin kooxda ugu fiican, balse waxay ka liitaan tayo dhab ah oo heer caalami ah oo ka jirta meelaha ugu dambeeya garoonka”

“Had iyo jeer waxaan u arkay in dhibaatada Arsenal ay tahay dhinaca hal-abuurka (abuurista fursadaha) halkii ay ka ahaan lahayd dhammeystirka goolasha. Uma maleynayo inay fursado ku filan u abuuraan weeraryahan kasta oo ay haystaan. Si buuxda uguma shaqeyn Gabriel Jesus, Kai Havertz ama Viktor Gyokeres marka la eego inay noqdaan gooldhaliyeyaal saafi ah”

“Waxay isku dayi doonaan inay horyaalka ku guuleystaan si ka duwan, haddii ay ku guuleystaanna, sababta ugu weyn waxay noqon doontaa labada difaac dhexe, goolhayaha iyo Declan Rice,” ayuu yiri Carragher.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga