Shaxda Ay Chelsea Kaga Hor Tagi Karto Aston Villa.

Chelsea ayaa heshay dhiirrigelin weyn ka hor kulankooda Premier League ee ay la ciyaarayaan Aston Villa, kaddib markii uu kusoo laabtay Estevao.

Estevao ayaa ka maqnaa kulamada martida ee ay la yeesheen Cardiff iyo Newcastle sababo la xiriira dhaawac yar oo muruqa ah, balse haatan ciyaaryahanka reer Brazil waa la heli karaa.

Liam Delap isna wuu taam noqday kaddib saddex toddobaad oo uu maqnaa dhaawac garabka ah.

Maresca ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Cole Palmer uu diyaar u yahay inuu ciyaaro 90 daqiiqo, kaddib markii si taxaddar leh loo maamulay afartiisii kulan tan iyo markii uu kasoo laabtay dhaawicii gumaarka.

Dario Essugo, Romeo Lavia iyo Levi Colwill dhammaantood weli way maqanyihiin, iyagoo qaba dhaawacyo muddo dheer ah.

Shaxda Ay Chelsea Ku Soo Gali Karto Kulanka:

Sanchez; Gusto, Fofana, Chalobah, Cucurella; Caicedo, James; Neto, Palmer, Garnacho; Joao Pedro

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga