Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda taam ahaanshaha Joe Gomez iyo Dominik Szoboszlai, kadib markii labada ciyaaryahanba ay ku qasbanaadeen inay garoonka ka baxaan iyagoo dhaawac qaba intii lagu jiray kulankii Sabtida ee ay Liverpool kaga adkaatay Brighton.
Gomez ayaa kulanka ku bilaabay booska daafaca midig, balse waxa uu garoonka ku jiray kaliya 26 daqiiqo, kadib markii uu si lama filaan ah u dhacay isaga oo aan cidna la kulmin. Waxaa lagu daaweeyay garoonka dhexdiisa, hase yeeshee si degdeg ah ayaa loo beddelay, waxaana booskiisa galay Mohamed Salah oo dhawaan dib loogu soo daray kooxda.
Dhanka kale, Szoboszlai ayaa soo bandhigay ciyaar kale oo aad u wanaagsan, balse kulankiisu wuxuu ku dhammaaday si murugo leh, kadib markii uu si qaldan u degay xilli uu bood ku samaynayay si uu uga fogaado isku dhac. Wuxuu u muuqday mid aad u niyad jabsan intii lagu daweynayay garoonka dhexdiisa, ugu dambayntiina waa lagu qasbay in laga saaro ciyaarta.
Iyadoo ay toddobaadka dambe soo food saartay kulan aad u adag oo ay Liverpool la ciyaari doonto Tottenham, Slot wuxuu rajaynayaa in inta ugu badan ee ciyaartoyda kooxda koowaad ay diyaar u ahaadaan kulankaas.
Isagoo hadalka qaatay marka ciyaartu dhammaatay, Slot wuxuu bixiyay saadaal aan wanaagsanayn oo ku saabsan xaaladda labada ciyaaryahan.
Isaga oo ka hadlayay Gomez, Slot wuxuu yiri:
“Haddii aan haysto ciyaaryahan garoonka uga baxa dhaawac muruq ah sida Joe, taasi badanaa ma aha arrin wanaagsan.”
“Ma filayo inuu ku jiri doono liiska ciyaartoyda toddobaadka dambe [kulanka Tottenham Hotspur], inkastoo mararka qaarkood ay dhici karto lama filaan wanaagsan”
“Hadda dad badan ayaa laga yaabaa inay si fiican u fahmeen sababta aan mar walba uga taxaddarayay inaanan ciyaarsiiyo kulamo badan. Waxaan qiyaasayaa in dad badani ay is weydiinayeen, ‘Haddii aad haysato daafac, gaar ahaan daafac midig, maxaad u ciyaarsiin weyday?’”.
Isagoo hadalkiisa sii watay, Slot ayaa ka hadlay Szoboszlai isagoo yiri:
“Dom, dhaawacu wuxuu ahaa canqowga. Markii aan arkay xaaladdiisa ma uusan u ekaan mid wanaagsan. Laakiin wuxuu leeyahay maskax iyo adkaysi aan caadi ahayn, sidaas darteed aan rajaynno wanaagga.”
Be the first to comment