Halyeeyga Manchester United, Wayne Rooney, ayaa sheegay in Chelsea ay “cadaadis ku saari karto” Arsenal tartanka hanashada Premier League.
Rooney waxa uu ka hadlayay Amazon Prime, kaddib markii uu daawaday Blues oo 3-0 ku garaacday Barcelona tartanka Champions League habeenkii Talaadada.
Kooxda Enzo Maresca ayaa si adag uga awood sheegatay garoonka Stamford Bridge,
Chelsea waxay soo dhaweynaysaa hogaamiyeyaasha horyaalka Arsenal gudaha Stamford Bridge kulanka Premier League-ga, iyagoo isku dayaya inay yareeyaan farqiga lixda dhibcood.
“Maresca si fiican ayuu u maamulay Chelsea” ayuu yidhi.
“Waxaa u badan inay ka maqan yihiin ciyaaryahankoodii ugu fiicnaa (Cole Palmer), waana ka ilownay caawa sababtoo ah bandhiggoodu aad buu u fiicnaa.
“Waxay samaynayaan wax sax ah, khatar ayay muuqdaan, oo marka kalsoonidoodu sii kordho, waxay sii wadi doonaan guulaha. Waxay cadaadis saari karaan Arsenal.”
Be the first to comment