Weeraryahanka Bournemouth ee Antoine Semenyo ayaa wararka sheegayaan inuu muujiyay kooxda uu doorbidayo haddii uu ka tago kooxdiisa suuqa January.
25-jirkan ayaa maalmihii u dambeeyay qabsaday warbaahinta, iyadoo warbixino tilmaamayaan in qandaraaskiisa Cherries uu ku jiro lacag lagu bur-burin karo oo dhan 65 milyan oo euro.
Semenyo wuxuu saxiixay heshiis cusub oo shan sano ah xagaagii ka dhacay garoonka Vitality Stadium, kaas oo ku xidhaya kooxda Koonfur-bari England ilaa Juun 2030.
Xiddiga xulka Ghana ayaa si cajiib ah ku bilaabay xilli-ciyaareedkan Premier League, isagoo dhaliyay lix gool isla markaana caawiyay saddex kale isaga oo ciyaaray 11 kulan.
Kadib fasaxa caalamiga ah ee ugu dambeeya sanadkan, Semenyo iyo Bournemouth waxay dib ugu laaban doonaan ciyaaraha iyaga oo soo dhaweyn doona West Ham United 22-ka November.
Isagoo la hadlayay The Athletic bishii October 2024, Semenyo wuxuu shaaciyay xog shakhsi ah oo laga yaabo inay muhiim u noqoto tartanka suuqa kala-iibsiga ee Janaayo.
Wuxuu yiri:
“Anigu waxaan ahay taageere Arsenal ah, shaqadeyda waxba kama khaldo taas,” ayuu yiri 25-jirka oo markaas ku jiray bilowga xilli-ciyaareedka 2024-25 ee Premier League.
Wuxuu intaas ku daray:
“Waa wax weyn in aan ka hortago Arsenal, kooxda aan nolosheyda oo dhan daawan jiray, waxaana rabaa inaan u ciyaaro naadiyada waaweyn. Si taas u dhacdo waa inaan caddeeyaa awooddeyda.”
Be the first to comment