Xulka qaranka Somaliya ee 17 sano jirada ayaa bar-baro galay kulankoodii 2-aad ee tartanka AFCON CECAFA Qualifiers ee ka socda dalka Itoobiya.
Xulka qaranka Somaliya ayaa kulanka bar-baro 1/1 ah la galay xulka Kenya kulan ka dhacay dalka Itoobiya.
Kulanka ayaa ahaa mid xulka Somaliya ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.
Laakiin xulka Kenya ayaa daqiiqadii 31-aad waxana u dhaliyay xiddiga Rayse Ochieng kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo Kenya hogaaminayso ciyaarta laakiin xulka Somaliya si fiican u ciyaaray.
Qaybta dambe ayuu xulka Somaliya ku bilowday si fiican iyaga oo raadinayay goolka bar-baraha ee ciyaarta.
Daqiiqadii 65-aad ayuu xulka Somaliya dhaliyay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Anas Mohamed oo ahaa kabtanka xulka qaranka Somaliya.
Be the first to comment