Kabtanka Arsenal Martin Odegaard ayaa sheegay in dhaawaciisu uu ii fiicnaan doono xilli laga rajo qabo in uu diyaar noqdo kulanka Tottenham ee todobaadka dambe.
Odegaard ayaa dhaawacnaa tan ilaa bilowgii October isaga oo ku maqnaa dhaawac jilibka ah kulankii ay Arsenal 2/0 uga badisay West Ham.
Xiddiga Khadka dhexe ayaa seegay kulamadii xulkiisa ee is reeb-reebka koobka adduunka sabab la xidhiidha dhaawaca uu qabo.
Odegaard ayaa ka warbixiyay xaaladiisa isaga oo yidhi”Waxa u socotaa horay”.
“Waxan rajaynayaa in aan dhawaan soo laabto xaaladaydu way fiicnaanaysaa”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment