Mudada Uu Benjamin Sesko Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo La Ogaaday.

Shabakadda Sky Sports ayaa sheegtay in weeraryahanka Manchester United, Benjamin Sesko, uu ka badbaaday dhaawac halis ah kaddib markii uu dhibaato ka dareemay jilibka kulankii ay la yeesheen Tottenham, waxaana la filayaa inuu maqnaado ugu badnaan muddo hal bil ah.

Sesko ayaa horay uga maqnaa kulamada xulka Slovenia sababo la xiriira isla dhaawacan, balse hadda wuxuu mari doonaa barnaamij soo kabasho oo socon doona ilaa bisha December, si loo hubiyo inuu si buuxda ugu soo laabto.

Sesko oo 22 jir ah ayaa ciyaaray 12 kulan Man United xilli ciyaareedkan tan iyo markii uu xagaagii hore kaga soo wareegay RB Leipzig heshiis qiimihiisu ahaa £73.7 milyan. Wuxuu garoonka ka baxay daqiiqaddii 82 ee ciyaartii 2-2 ku dhammaatay ee Tottenham, isagoo beddel ku soo galay daqiiqaddii 58-aad.

Manchester United ayaa lagu wadaa inay ku soo laabato ciyaaraha Premier League marka uu dhammaado fasaxa ciyaaraha caalamiga ah, iyagoo 24-ka November ku wajahaya Everton oo ay kula ciyaarayso garoonka Old Trafford.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga