UPDATE: 32 Dal Oo Xaqiijistay Booskooda Koobka Adduunka Sanadka Dambe

32 dal ayaa u soo baxay Koobka Adduunka ee FIFA 2026.

Norway ayaa noqotay kooxda ugu dambeysay ee xaqiijisa ka qaybgalka, kaddib markii ay 4-1 ku garaaceen Italy ciyaar isreeb-reebka Koobka Adduunka habeenkii Axadda.

Laba gool oo uu dhaliyay weeraryahanka Manchester City, Erling Haaland, ayaa Norway ka caawiyay inay ka adkaato Italy.

Antonio Nusa iyo Jørgen Strand Larsen ayaa sidoo kale u dhaliyay Norway kulankii ka dhacay San Siro.

Kuwani waa 32-ka dal ee u soo baxay Koobka Adduunka 2026:

Dalalka martigelinaya: Maraykanka, Canada iyo Mexico.

Aasiya: Uzbekistan, Australia, Iran, Japan, Jordan, Qatar, Saudi Arabia iyo South Korea.

Afrika: Algeria, Cape Verde, Masar, Ghana, Ivory Coast, Morocco, Senegal, South Africa iyo Tunisia.

Yurub: Norway, France, Portugal, Croatia iyo England.

Oceania: New Zealand.

Koonfur Ameerika: Argentina, Brazil, Colombia, Ecuador, Paraguay iyo Uruguay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga