Waxay u muuqataa in Afrika ay heli karto wakiilkii 10-aad ee tartanka Koobka Adduunka 2026.
Qaaradda waxaa markii hore loo qoondeeyay 9 boos, maadaama tartanka la ballaariyay.
Boosaskaas waxaa hore u buuxiyay: Ghana, Morocco, Tunisia, Cape Verde, Senegal, Egypt, Algeria, Ivory Coast iyo South Africa.
Si kastaba ha ahaatee, Afrika weli waxay heli kartaa boos dheeri ah iyada oo loo marayo isreeb-reebka qaaradaha isku dhafan (intercontinental playoffs).
Axaddii, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa Nigeria kaga adkaatay 4-3 rikoodhayaal, taasoo u xaqiijisay inay u gudbaan ciyaarta hal-mar-ah ee la ciyaari doono bisha Maarso.
Leopards (DR Congo) hadda waxay hal kulan u jiraan ka qaybgalka Koobka Adduunka ee sanadka dambe.
Waxay la ciyaari doonaan mid ka mid ah kooxaha ka socda Concacaf, CONMEBOL, Oceania ama Asia, si ay ugu tartamaan booska dheeraadka ah ee tartanka ka dhici doona Maraykanka, Mexico iyo Canada sanadkan 2026.
Be the first to comment