Xiriirka Kubadda Cagta Spain ayaa ku dhawaaqay in laga saaray daafaca Dean Hausen liiska xulka Spain ee ciyaarta ugu dambeysa ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 ee ay berri, Salaasa, la ciyaarayaan Turkey.
Go’aankan ayaa yimid sababo la xiriira xanuun muruqa ah oo uu la daalaa dhacay, kaas oo sidoo kale ka hor istaagay inuu ka qayb galo ciyaartii ay Spain 4-0 ku garaacday Georgia wareeggii shanaad ee isreeb-reebka, taas oo Sabtidii dhacday.
Xiriirku wuxuu sheegay in Real Madrid ay bilowgii horeba ogayd xaaladda ciyaaryahanka, waxaana go’aanka looga dan lahaa sidii caadiga ahayd in la ilaaliyo caafimaadka iyo badbaadadiisa, iyadoo lagu wargeliyay inuu ka tagi karo xerada xulka si aan halis loogu gelin marxaladdan.
Waxaa la filayaa in ciyaaryahanka la mariyo baadhitaanno caafimaad oo dheeri ah marka uu dib ugu soo laabto Madrid, si loo ogaado nooca dhaawaciisa iyo inta uu ka maqnaan doono kooxda boqortooyada (Real Madrid).
Be the first to comment