Portugal Oo 9 Gool Ku Xasuuqay Armenia Una Soo Baxay Koobka Adduunka.

Xulka Portugal ayaa guul weyn ka gaaray Armenia oo 9-1 ku garaacay wareega lixaad ee ugu dambeeya ee isreeb-reebka Yurub ee Koobka Adduunka.

Portugal ayaa kor u qaaday dhibcaha ay haysato ilaa 13 dhibcood, iyagoo hogaaminaya kooxda, isla markaana si toos ah ugu soo baxay Koobka Adduunka, halka Armenia ay ku ekaatay 3 dhibcood oo ku filan kaalinta afraad ee ugu dambeysa.

Goolasha ciyaarta:

  • Renato Veiga ayaa u dhaliyay Portugal daqiiqadii 7-aad.

  • Armenia ayaa la timid goolka barbaraha oo uu dhaliyay Eduard Spertsyan daqiiqadii 18-aad.

  • Gonçalo Ramos ayaa u dhaliyay Portugal goolka labaad daqiiqadii 28-aad.

  • João Neves ayaa dhaliyay laba gool oo kale daqiiqadaha 30 iyo 41.

  • Bruno Fernandes ayaa dhaliyay hat-trick daqiiqadaha 45+3, 52, iyo 72.

  • João Neves ayaa goolka sideedaad u dhaliyay daqiiqadii 81.

  • Francisco Conceição ayaa goolka sagaalaad u dhaliyay daqiiqadii 90+2.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga