Alexander Isak ayaa muujiyay niyad-jab uu ka qabo in xilli-ciyaareedkiisa uu carqaladeeyay dhaawac, kaddib markii uu ku biiray Liverpool uguna biiray lacag rikoodh ah oo dhan 125 Milyan oo euro.
Weeraryahanka ayaa si xoog leh uga tagay Newcastle United maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga, balse wax walba sidii uu filayay uma aysan dhicin.
Weeraryahanka xulka Sweden ayaa badankii xagaaga keligiis tababaranayay, mana uusan ciyaarin Newcastle intii lagu jiray diyaar-garowga xilli-ciyaareedka ama bilowgii hore ee Premier League-ga.
Iska ayaa si hoose ku bilowday noloshiisa Liverpool isaga oo kaliya dhaliyay hal gool 8 kulan oo uu u ciyaaray kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, horumarkiisii Waxa hor istaagay Dhaawac muruqa ah waxana uu seegay kulamada tan ilaa kulankii ay Liverpool 5/1 kaga badisay Eintracht Frankfurt.
Isak ayaa ka warbixiyay xaaladiisa kadib markii uu ka soo laabtay dhaawaca isla markaas u ciyaaray xulkiisa Sweden fasaxa xulalka.
“Waxay ahayd qiyaastii 30 daqiiqo, waxaana dareemay in xaaladdu fiicnayd,” ayuu u sheegay Sportbladet.
“Waxaan dareemayaa in jirkaygu si wanaagsan uga falceliyay ciyaarta kadib”.
“Waxan rajaynayaa inaan si buuxda u ciyaari karo kulanka xiga (Slovenia Salaasada). Mar kasta waa niyad-jab markaad dhaawac gasho. Ha ahaato hal kulan ama ka badan. Mar kasta waxa ugu xun waa ciyaaryahanka laftiisa.”
Be the first to comment