Paul Scholes ayaa sheegay in Milos Kerkez uu u muuqdo inuu ‘dhib la tacaalayo’ tan iyo markii uu ku biiray Liverpool, isla markaana ay wax weyn ka khaldan yihiin kooxda Arne Slot xilli ciyaareedkan.
Slot wuxuu noqday kaliya tababaraha toddobaad ee taariikhda ku guuleysta horyaalka Premier League sannadkiisii ugu horreeyay ee xilka, iyadoo Liverpool ay xilli ciyaareedkii hore 10 dhibcood ka horreeyeen Arsenal oo ku dhammaatay kaalinta labaad.
Kooxda weyn ee Merseyside ayaa sidoo kale si fiican ku bilowday xilli ciyaareedka cusub, iyagoo guuleystay toddobo kulan oo xiriir ah tartamada oo dhan.
Laakiin haatan Liverpool waxay wajahaysaa afar guuldarro oo xiriir ah Premier League-ga, taas oo ah hoos u dhac weyn oo qaab ciyaareedkooda ah, kuna sababtay in kooxda difaacaneysa horyaalka ay hoos ugu dhacdo kaalinta toddobaad ee kala sarreynta.
Tani waxay timid kaddib markii Liverpool ay ku bixisay guud ahaan £446 milyan suuqa kala iibsiga xagaagii rikoodh jabinta ahaa, iyadoo Alexander Isak, Florian Wirtz, Jeremie Frimpong, Geovanni Leoni, Hugo Ekitike iyo Kerkez ay dhammaantood soo gaareen garoonka Anfield.
Waxa jira muran ah in Ekitike yahay ciyaartoyga kaliya ee u muuqda mid ka soo baxay wixii laga filayay marka loo eego in uu dhaliyay 6 gool 13-kii kulan ee ugu horeeyay tartamada oo dhan.
“Waxa jira wax ka khaldan Liverpool”ayuu yidhi Scholes.
“Markaad haysato koox wanaagsan, waxaad isku dayeysaa inaad sii xoojiso. Markaad horyaalka ku guuleysato, waxaad isku dayeysaa inaad ciyaartoy cusub keento. Sabab aan la garaneyn awgeed, arrintu si fiican uma socoto.”
“Waxaan u maleynayaa in goolhayaha uu yahay khasaare weyn. Waxaan aragnay sida ay goolhayayaashu muhiim ugu sii noqdeen ciyaarta, shaki la’aan, Alisson-na waa mid aad muhiim u ahaa oo laga dareemayo maqnaantiisa.
“Ma oranayo goolhahan [Giorgi Mamardashvili] si xun ayuu u ciyaarayo, balse waxay u muuqataa in kubbad kasta oo la dhaco ay gool noqoneyso. Taasi ma aha astaamo fiican.”
“Kerkez wuu dhibaatoonayaa, waxana u malaynayaa in Konate Iyo Van Dijk ay sidoo kale dhibaatoonayaan”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment