Wojciech Szczęsny: Kama Cabsanayo Mbappe Laakiin….

Goolhayaha reer Poland Wojciech Szczęsny, oo ka tirsan kooxda Barcelona ee dalka Spain, ayaa xaqiijiyay inuusan ka baqayn weeraryahanka xulka Faransiiska Kylian Mbappé, oo ka ciyaara kooxda Real Madrid.

Kooxda boqortooyada ah Real Madrid ayaa berri fiidnimo oo Axad ah ku soo dhoweyn doonta kooxda Barcelona garoonka Santiago Bernabéu, taasoo qeyb ka ah kulamada wareegga tobnaad ee horyaalka La Liga ee Spain.

ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Spain ayuu yidhi“Ma dareemayo cabsi aan ka qabo Kylian Mbappé, balse waxaa jira ixtiraam weyn, sababtoo ah waxaan aaminsanahay inuu hadda ka mid yahay ciyaartoyda ugu fiican adduunka, haddii uusan ahayn kan ugu fiican.”

Wuxuu sii raaciyay: “Mbappé had iyo jeer waa halis horteenna marka uu u soo dhowaado goolka, waana cadahay inuu leeyahay hibbo uu igu adkaado sidoo kale.”

Wuxuu intaas ku daray: “Ma filayo in qof kale uu soo dhowaaday inuu intaas oo gool igu dhaliyo, annaguna kaliya shan jeer ayaan iska horyimid, sidaas darteed waa amaan weyn oo uu u qalmo heerka ciyaaryahankan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga