Saddex Xul OO Africa Ah Oo U Soo Baxay Koobkii Adduunka 2026.

Masar waxay noqotay waddankii saddexaad ee Afrika ee u Soo Baxay Koobka Adduunka ee 2026.

Xulka Masar waxay xaqiijiyeen kaalintooda kadib guul 3-0 ah oo ay ka gaareen Jabuuti fiidkii Arbacada.

Mohamed Salah ayaa laba jeer shabaqa soo taabtay, taasoo keentay guul sahlan oo ka dhacday magaalada Casablanca.

Natiijada ayaa xulka Masar siisay hogaan aan la Soo qaban karin iyada oo hal kulan ka dhimantahay is reeb-reebka.

In kasta oo Masar ay koobka Qaramada Afrika ku guuleysatay toddobo jeer — taasoo rikoor ah — haddana guushoodu kama badnayn isreebreebka Koobka Adduunka, maadaama ay u soo baxeen tartankaas afar jeer oo keliya 15 isku day: sanadihii 1934, 1990, 2018, iyo hadda 2026.

Waxay ku biiri doonaan Morocco iyo Tunisia oo ah labada dal ee Afrikaanka ah ee horey u xaqiijiyay boosaskooda tartanka sanadka soo socda.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga