
Koobka Adduunka ee 2026 ayaa si degdeg ah u soo dhowaanaya, waxaana horey u xaqiijiyay ka-qaybgalka kooxo badan oo caalamka ka kala yimid.
Xulka England wuxuu dhow yahay inuu xaqiijiyo booskiisa kadib markii uu guuleystay shan ciyaarood ilaa iyo hadda, isagoo uu hogaaminayo Thomas Tuchel.
Dalalka martigelinaya Koobka Adduunka — Canada, Mexico, iyo America dhammaantood waxa la xaqiijiyay in ay la qayb gali doonan tartanka maadama ay martigalinayaan tartanka.
Japan waxay noqotay dalka ugu horreeya ee aan martigelinayn oo iska xaadiriyey, iyadoo weli saddex ciyaar u harsan yihiin wareegga saddexaad ee isreebreebka Aasiya.
Dalal kale ayaa si dhakhso ah ugu soo biiray.
Xulka difaacanaya koobka ee, Argentina, iyo Brazil oo shan jeer ku guuleysatay, labaduba waxa la filayaa inay halkaas joogaan.
Jordan iyo Uzbekistan waxay markii ugu horreysay ka qaybgelayaan Koobka Adduunka xagaaga soo socda.
Kuwa u soo baxay Koobka Adduunka 2026 — Martigeliyeyaasha waa:
🇨🇦 Canada
🇲🇽 Mexico
🇺🇸 America
AFC: Asia
Australia
Iran
Japan
Jordan
South Korea
Uzbekistan
AFRICA:
Morocco
Tunisia
CONMEBOL
Argentina
Brazil
Colombia
Ecuador
Paraguay
Uruguay
Ocianic
New Zealand
Be the first to comment