Tababarihii Badali Lahaa Ruben Amorim Oo Haatanba Ogolaaday In Uu Ku Biiro Man United.

Tababaraha Kooxda Crystal Palace ee Oliver Glasner Ayaa lagu soo waramayaa in uu haatanba ogolaaday in uu badalo tababare Ruben Amorim si uu u noqdo tababaraha cusub ee Man United.

Amorim ayaa wajahaya cadaadis xoogan oo dhanka natiijooyinka ah iyada oo kooxdu kaliya badisay 2 kulan 6 kulan oo ay ciyaareen premier League.

Amorim ayaa laga yaabaa in laga caydhiyo shaqada Man United hadii ay kooxdi sii wado natiijooyinka xun ee xilli ciyaareedka.

Oliver Glasner ayaa shaqo fiican ka qabanaya Palace tan ilaa markii uu noqday tababaraha kooxda Crystal Palace.

Glasner ayaa Palace ku hogaamiyay laba koob tan ilaa markii uu noqday tababaraha kooxda Crystal Palace.

Haatan wararka ayaa sheegaya in uu Oliver Glasner haatanba diyaar u yahay in uu badalo Amorim hadii ay Man United la soo xidhiidho.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga