Kulanka Uu Ekitike Seegi Doono Kadib Casaankii Loo Taagay Kulankii Southampton.

Xiddiga Hugo Ekitike ayaa kaadhka cas qaatay kulankii ay Liverpool ka badisay kooxda Southampton kulan ka tirsanaa wareega 3-aad ee Carabao cup-ka.

Ekitike ayaa ku bilowday kulanka kaydka laakiin waxa uu qaybtii nasashada badalay Alexsander Isak kaas oo dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Liverpool.

Ekitike ayaa dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa daqiiqadii 85-aad ee ciyaarta waxana uu sameeyay dabaal-dag uu iska saaray maaliyada.

Laakiin garsooraha ayaa u taagay kaadhka diginin 2-aad taas oo la macno ah in uu ciyaarta ka boxo.

Ekitike ayaa haatan ka maqnaan doona kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Crystal Palace Premier League todobaadka dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga