Joe Cole OO Magacaabay Kooxda Premier League Ee Ku Guuleysan Karta Champions league Xilli Ciyaareerdkan.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee England, Joe Cole, ayaa aaminsan in Chelsea ay ku guuleysan karto koobka Champions League xilli ciyaareedkan.

Sida uu sheegay Cole, kooxdiisii hore ayaa loo arkaa “kooxda ugu cad-cad ” tartanka.

Xilli ciyaareedkan, lix kooxood oo ka tirsan Premier League ayaa ka qaybgalaya Champions League.

Waxay yihiin: Chelsea, Arsenal, Liverpool, Manchester City, Newcastle United iyo Tottenham Hotspur.

Sanadkii hore, Arsenal ayaa gaadhay meesha ugu Fog tartanka iyaga oo gaadhay semi-final champions league iyadoo kooxda Mikel Arteta ugu dambeyntii laga reebay semi-finalka, kaddib markii ay guuleysatay Paris Saint-Germain oo koobka qaaday.

Cole ayaa u sheegay TNT Sports markii la weydiiyay inuu qiimeeyo fursadaha Chelsea ee tartankan xilli ciyaareedkan:

“Waxaan dhihi lahaa waxay ku jiraan qaybta ugu sarreysa ee ‘dark horses’, iyo qaybta ugu hooseysa ee kooxaha laga filan karo inay gaaraan heerarka dambe ee tartanka.”

“Wax walba waxay ku xirnaanayaan, aniga oo aaminsan, qaab ciyaareedka goolhayaha Sanchez”.

 

 

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga