
Manchester City FC waxay xaqiijisay in Omar Marmoush uu dhaawac jilibka ah soo gaaray intii uu ku jiray waajibaadkiisa caalamiga ah ee xulka qaranka Masar.
Weeraryahanka kooxda City ayaa dhaawaca soo gaaray bilowgii ciyaarta isreebreebka Koobka Adduunka ee xulka Masar ay la yeesheen Burkina Faso fiidnimadii Salaasada.
Natiijooyinkii hore ee baaritaan lagu sameeyay gudaha Masar ayaa muujinaya in uusan diyaar u noqon doonin kulanka Manchester derby ee Axadda, waxaana uu hadda dib ugu soo laabanayaa Manchester si baaritaanno dheeraad ah loogu sameeyo loogana bilaabo soo kabashadiisa.
Xiddiga ayaa muhiim ka ah qorshaha tababare Guardiola waxana uu maqnaanshihiisu dhirbaaxo ku noqon doonaa kooxda oo haatanba dhibaatoonaysa.
Be the first to comment