
Ruben Amorim ayaa uga digay weeraryahanka cusub ee Arsenal Viktor Gyokeres inuu wajihi doono loolan aad uga duwan midkii horyaalka Portugal.
Kulanka adag ee Axada u dhexeeya kooxaha Arsenal Iyo Man United ayuu weeraryahanku ka hor iman doonaa tababarihiisii hore.
Waxa jiray warar sheegaya in uu Amorim doonayo xiddiga laakiin waxa uu ka doortay u biirista Kooxda Arsenal waxana uu ka hor iman doonaa Axada.
“Horyaalkan waa ka duwanyahay midkii hore”ayuu morim u sheegay Gyokeres.
“Awooda jir ahaaneed waa ka duwanyahay”.
“Waxaan qabaa inuu yahay ciyaaryahan aad u wanaagsan. Wuxuu doonayaa inuu bixiyo sifooyin ka duwan”.
Be the first to comment