
Liverpool ayaa guul ku bilaabatay Difaacashada horyaalka premier league iyaga oo garaacay kooxda Bournemouth.
Goolka ay dhaliyeen Ekitike, Salah Chiesa iyo Gakpo ayaa Liverpool ka caawiyay in ay gaadho guul qaali ah.
hadaba Halkan waxa aan ku Soo bandhigi doonaan xaaqiiqooyinka laga diwaan galiyay Kulanka.
Marka laga reebo xilli-ciyaareedkii ugu horreeyay ee 1992-93, Liverpool waa kooxdii ugu horreysay ee Difaacanaysa premier league ee shaxdeeda ku bilowda 4 saxiixa oo cusub Xilli Ciyaareerdka Cusub kuwaas oo kala ah (Kerkez, Frimpong, Wirtz, Ekitike).
Hugo Ekitike waa ciyaaryahankii labaad ee laba gool dhaliya mid kalena caawiya kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ee Liverpool, ka dib Darwin Núñez kulankii Fulham August 2022.
Mohamed Salah waa gooldhaliyaha iyo caawiyaha ugu sareeya (10) wuxuuna leeyahay isku darka goolasha iyo caawinta (15) ciyaaryahan kasta oo Kulanka ugu horeeya premier league taariikhda Premier League.
Goolkiisii ugu horreeyay ee Premier League, Federico Chiesa ayaa dhaliyay goolkii ugu dambeeyay ee Liverpool ee Kulanka ugu horeeya Xilli Ciyaareerdka (87:46), halka uu ahaa kii ugu dambeeyay ee koox kasta ay dhaliso kulankooda furitaanka horyaalka Ingiriiska tan iyo Diego Costa oo u dhaliyay Chelsea v West Ham 2016-17 (88:43).
Be the first to comment