
Kooxda Liverpool ayaa bilaabanays difaacashada premier league Xilli Ciyaareerdka Cusub.
Liverpool ayaa Marti galinaysa kooxda Bournemouth kulan ka dhici doona Anfield.
Kooxda difaacanaysa premier league ayaa doonaysa in ay guul ku bilaabato premier league Xilli Ciyaareerdka Cusub.
Kulanka: Liverpool Vs Bournemouth
Tartanka: Premier League
Wakhtiga:10:00
Garoonka: Anfield
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Liverpool ayaa badisay 11 ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ee ay la ciyaartay Bournemouth, marka laga reebo guuldaro 1-0 ah oo ay marti ahaayeen bishii March 2023.
Bournemouth ayaa kaliya hal dhibic ka heshay 24 kulan oo ay martida u ahayd Liverpool kulan ka tirsan Premier League (W0 D1 L7), lixdii kulan ee ugu danbeysay ee ay booqdeen Anfield waxa laga dhaliyay 23 Gool halka iyaguna dhaliyeen 2 Gool.
Liverpool lagama badin kulankeedii furitaanka horyaalka mid ka mid ah 12-kii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay (9 guul iyo 3 bar-baro), tan iyo guuldaradii 3-0 ee ka soo gaartay West Brom xilli ciyaareedkii 2012-13. Waa wakhtigii ugu dheer ee aan laga badin Kulanka 1-aad koox kasta oo Premier League ah.
Bournemouth lagama badin kulankeedii furitaanka horyaalka mid ka mid ah todobadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay (W3 D4) tan iyo guuldaradii 1-0 ka soo gaartay West Bromwich Albion xilli ciyaareedkii 2017-18.
Liverpool ayaa badisay 11 ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ee ay la ciyaartay Bournemouth, marka laga reebo guuldaro 1-0 ah oo ay marti ahaayeen bishii March 2023.
Be the first to comment