
Tababaraha Fenerbahce, Jose Mourinho, ayaa u doortay kooxdiisii ugu horeysay ee Chelsea inay yihiin “kooxdi ugu fiicnaa Premier League abid”.
Mourinho ayaa markii ugu horeysay maamulayay Blues intii u dhaxeysay 2004 ilaa 2006, ka dib markii uu ka tagay FC Porto.
Portuguese-ka ayaa ku qiimeeyay in kooxda ay ka sarreyso kooxdii Arsenal ee guuldaro la’aanta ku qaaday premier League xilli ciyaareedkii 2003-04, sababtoo ah sida uu sheegay, waxa ay heleen guulo ka badan kuwa ay London ku xafiiltamaan”
“Waxaan qabaa in Chelsea ay ahayd kooxdii abid ugu fiicnayd Premier League,” Mourinho ayaa u sheegay Canal 11.
“Arsenal waxay ahayd mid aan laga adkaan, laakiin hal xiliciyaareed ayay ahaayeen kuwo aan laga adkaan”
“Waxay badiyeen 38 kulan, waxaan badinay 46. Laakiin 46-daas waxay ku kala baahdeen laba xilli ciyaareed, waxay ahaayeen koox fantastik ah.”
Be the first to comment