
Kooxda Arsenal ayaa guul ku bilaabatay isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Arsenal ayaa guul 1/0 ah ka gaadhay Ac Milan kulan ka dhacay Singapore.
Arteta ayaa kulanka ku soo galay shax adag isaha oo ciyaarsiiyay xiddigaha ugu muhiimsan kooxdiisa.
Xiddiga khadka dhexe ee Norgaard ayaa ku bilowday shaxda isaga oo ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee Arsenal.
Xiddigaha kale ee kooxda ku cusub ee Zubimemdi iyo Kepa ayaa qaybtii dambe ciyaaray.
Arsenal ayaa ciyaarta ku badisay 1/0 uu u dhaliyay xiddiga Bukayo Saka.
Be the first to comment