Daafaca Real Madrid, Trent Alexander-Arnold, ayaa saadaaliyay “ciyaar adag” marka ay kooxdiisu wajihi doonto Paris Saint-Germain kulanka FIFA Club World Cup semi-finalka Arbacada.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa sidoo kale qirtay inuu ka horyimid PSG tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkii hore intii uu joogay Liverpool, isagoo ku tilmaamay Parisians inay yihiin koox heer sare ah.
Daafaca midig ayaa kasoo muuqday iyadoo kooxda Xabi Alonso ay ka badisay Dortmund wareega 8da ee koobka kooxaha aduunka sabtidii si ay ugu soo baxdo afar dhamaadka.
daafaca ayaa wareysigiisii ciyaarta ka dib ku yiri: “Waxaan la ciyaaray PSG xilli ciyaareedkan, waxayna ahaayeen kuwo aad u fiican, dabcan, waxay noqon doontaa kulan adag”
“Labadeenaba waxaan joognaa afar dhamaadka, labadeenaba waxaan u qalannaa inaan halkaan joogno”
“Kulamada bug baxa koox kasta way garaaci kartaa kooxda kale waxaan u shaqeyn doonaa si adag si aan u soo kabsano oo aan isugu diyaarino kulan adag”.
“Aan aragno kooxda badisa iyo kooxda Fiican”.
Be the first to comment