Andrea Onana Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Man United.

Andre Onana ayaa doonaya inuu sii joogo Manchester United oo uu caddeeyo inuu u qalmo inuu sii ahaado No.1.

Mustaqbalka Onana ee United ayaa su’aal la geliyay ka dib markii Monaco ay wax ka weydiisay xaalada goolhayaha, iyadoo dooneysay inay u dhaqaaqdo.

Laakiin Onana ayaa u sheegay saaxiibadiisa inuu doonayo inuu sii joogo United oo uu u dagaallamo inuu ilaashado booskiisa 1-aad ee kooxda Inkasta oo isbeddelka goolhayaha aan loo arkin mudnaanta United xagaagan, kooxdu waxay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyada mid kasta oo ka mid ah ciyaartoydeeda ka dib ololihii foosha xumaa ee xilli ciyaareedkii hore iyo cadaadiska ka imanaya faa’iidada iyo xeerarka waaraya.

Onana, ayaa 47.2 milyan euro kaga soo biiray InterMilan laba Sano isaga oo soo qaatay laba xilli cigaareed oo aad u liita Isla markaas sameeyay khaladaad waali ah.

Xiddiga Cameroon Onana ayaa haatan ku jira fasax laakiin waxa uu si qarsoodi ah ugu jawaabay markii la waydiiyay hadii uu xagaagan ka tagi karo United. “Ma bixi doonaa?” ayuu yiri Onana. “Ma garanayo, waan arki doonaa”.

Laakin ilo ku dhow 29-sano jirkaan ayaa daaha ka qaaday rabitaankiisa ah inuu sii joogo United, inkastoo ay xiiseynayaan Monaco iyo kooxo ka tirsan Saudi Pro League, halkaasoo uu laba jibaari karo mushaarkiisa haatan.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga