
Inter Miami ayaa barbardhac 2-2 ah la gashay Palmeiras taasoo keentay in labada kooxoodba ay u soo baxaan wareega 16ka ee Koobka Kooxaha Adduunka ee socda.
Horaantii maalintaas, Paris Saint-Germain iyo Botafogo ayaa iyagana ka soo baxay guruubkooda.
PSG ayaa ka soo kabsatay guuldaradii lama filaanka ahayd ee 1-0 ay ka soo gaartay kooxda Botafogo waxayna 2-0 ku garaacday kooxda Seattle Sounders habeenkii isniinta.
Ku guuleystayaasha Champions League way ku adkeyd inay jabiyaan kooxda MLS, laakiin ugu dambeyntii waxay heleen goolka furitaanka ka hor qeybta nasashada.
Vitinha ayaa dhaliyay goolka furitaanka kooxdiisa isaga oo hogaanka u dhiibay Kooxdiisa.
Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa Achraf Hakimi uu shabaqa soo taabtay,waxana uu u dhaliyay goolka guusha PSG.
Botafogo ayaa sidoo kale ku soo baxday kaalinta labaad ee Group-ka, inkastoo ay guuldaro 1/0 ah kala kulantay Atletico Madrid.
Inter Miami iyo Palmeiras ayaa haatan ku biiraya kooxaha PSG, Botafogo, Juventus, Manchester City, Bayern Munich iyo Flamengo oo dhamaantood u gudbay wareega xiga ee tartanka koobka kooxaha adduunka.
Be the first to comment